Sidee bay u shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada Raadinta)?

Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada Raadinta)?

Sidee bay u shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada Raadinta)?

Internetku waa duni aad u ballaadhan, Waana ilo muhiim ah oo laga helo macluumaadka iyo xogta, waxayna ku dhowdahay inay noqoto isha kaliya ee laga xigto gebi ahaanba, sababtuna waa sahlanaanta helitaanka macluumaadka iyada oo ay ugu wacan tahay mashiinda raadinta ama Search Engine Ingiriisi ahaan.

Dabcan, waxaad isticmaali kartaa siyaabo kale oo aad wax ku baadho, sida inaad qorto is ku xidhka (link) bogga haddii aad tahay mid wax xafidyo, taas oo laga yaabo inay suurtogal ahayn mararka qaarkood iyada oo ay ugu wacan tahay tirada badan ee isku-xirayaasha (link) iyo magacyadooda dheer ee kakan.

Laakin haddii aadan aqoonin is ku xidhka (link-ga) oo buuxa, Markaa waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad booqato dhowr goobood si aad u hesho waxa saxda ah ee aad raadineyso, ama waxaad soo gaabin kartaa waqtigaaga iyo dadaalkaaga adoo isticmaalaya mashiinada raadinta (Search Engine).

Search Engine (Mashiinada Raadinta) sida Google ama Bing ayaa ah albaabkaaga internetka, maadaama ay ururiyaan xogo iyo macluumaadyo aad u badan oo laga heli karo mareegayaasha internetka, kadibna way kala soocaan wayna kala habeeyaan waxayna gaaraan go'aano ku saabsan macluumaadka ugu habboon si ay uga jawaabaan su'aalaha gaar ah.

Sideen uga faa'idaysanaa Search Engine (Mashiinaka Raadinta) Si aan u helno macluumaadyada internetka?

Kahor intaadan guda galin inaad wax ka raadiso Google, Bing ama mashiinada kale ee raadinta, In yar ka fikir ereyada aad isticmaalayso, sababtoo ah aad ayey u saameenyaan natiijooyinka raadinta.

Haddii aad isticmaasho Erayo tira ahaan yar-yar ama dhowr kelmadood, waxaa laga yaabaa inaad aragto xogo badan oo macluumaad ah, laakiin haddii aad isticmaasho Erayo badan oo dhaadheer, waxaa laga yaabaa inaadan wax natiijo ah helin haba yaraatee.

Maxaan Samaynaa Haddaba?

Hagaag, marka aad rabto inaad hesho jawaabta su'aal gaar ah, sida: "Waa maxay jaamacadaha adduunka ugu fiican?", ka fikir ereyada muhiimka ah.

Dabcan, waad ku qori kartaa Erayo badan oo dhaadheer ah mashiinda raadinta (Search Engine), laakiin mashiinka raadinta wuxuu u badan yahay inuu iska indhatiro qaar ka mid ah ereyada labaad, sida isku xirka (link-ga) iyo su'aalaha.

Waxaad markaa soo gaabin kartaa waqtigaaga iyo dadaalkaaga, kaliyana qor ereyada muhiimka ah sida: "ugu fiican", "jaamacadaha" iyo "adduunka". Waxaad heli doontaa isla natiijadii!.

Hadda waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, waa sidee? Tani waxay noo horseedaysaa inaan ka hadalno mabda'a shaqada ee mashiinada raadinta (Search Engine).

Sidee bay u shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada Raadinta)?

Shaqada Mashiinada Raadinta (Search Engine) ee kala duwan ayaa leh saddex shaqo oo muhiim ah:

·         Gurguurasho (Crawling)

·         Tilmaan-siinta (Indexing)

·         Qiimaynta (Ranking)

Gurguurashoda (Crawling)

Waxaan dhihi karnaa in gurguurashadu (Crawling) ay tahay habka sahaminta mashiinadaha raadinta, halkaas oo mashiinadani ay u soo diraan kooxo robotyo (bots) ah si ay u helaan wax cusub ama kii la cusuboonaysiiyay.

Robot-yadani wax kale maaha ee waa barnaamijyo kombuyuutar ah kuwaas oo abaabulan isla markaana si habaysan uga baadhaan shabakada caalamiga ah ee internetka. Waxaana loogu yeeraa magacyo kale sida:

·         Web Crawlers

·         Spiders

·         Bots

Sidee robot-yadu (bots) u ogaadaan wax cusub?

Nuxurku wuxuu noqon karaa qaabab kala duwan. Sida: bog shabakadsawirmuuqaalfaylka PDF ama shay kale, laakiin dhammaantood waxaa helaya Crawles isagoo adeegsanaya is ku xidhka URL-ka.

Waa Sidee?

Aan soo qaadano Google tusaale ahaan: Googlebots waxay ku bilowdaan inay booqadaan dhawr bog oo shabakada internetka ku jira, ka dibna ay sahamiso dhammaan isku xidhka (links-yada) gudaha (Internal Links) iyo dibadda (Externalm Links) ee boggagaas, Intaa kadib waxay u guurtaa bogga kale oo cusub, waxayna samaysaa intii markii hore ay samaysey, sidaasina ayey u shaqaynaysaa, ilaa shabakada sahaminta ay ballaarato oo wax kastoo cusub laga helo.

Inta lagu jiro habkan ee dhex mara isku xirka (link) iyo boggaaga, bot-ka Google-ku wuxuu qaataa koobi ka mid ah isku xirka (link) bog kasta oo uu booqdo, sidaasina waxaa la ururiyay nuxurkii, waxaana lagu daraa tusmada (index) Google ee loo yaqaan Caffeine.

Tilmaan-siinta (Indexing)

Ka dib marka la helo macluumaad cusub, mashiinadaha raadinta waxay (Search Engine) habeeyaan macluumaadka cusub waxayna ku habeeyaan tusm gaar ah, taas oo ah xog ururin weyn oo la helay intii lagu jiray geedi socodka gurguurashada (Crawling), kaasoo mar dambe loo tixraacayo si loo soo saaro xiriiriye ku habboon oo ka jawaabaya weydiinta raadiyaha ee shay gaar ah oo ku jira mashiinka raadinta (Search Engine).

Sidee loo tilmaan-siyaa ama loo tusmeeyaa isku-xirayaasha (links)?

Inta lagu jiro habka tilmaan-siinta ama tusmaynta, mashiinka raadinta wuxuu isku dayaa inuu fahmo waxa ku jira boggaaga, sida in uu falanqeynayo iyaga oo u kala saaraya sawiradafiidiyowyada iyo noocyada kale ee tusmada oo ku salaysan arrimo badan iyo algorithms, ka dibna Xogtan waxa lagu kaydiyaa kayd aad u wayn oo lagu kaydiyay kombiyuutaro tiro badan.

Qiimaynta (Ranking)

Marka qof uu wax ka baadho intarneedka, mashiinada wax raadiya waxay dib ugu noqdaan tusmooyinkooda oo ay doortaan isku-xidhayaasha (links) sida aadka ah u quseeya waydiinta raadiyaha, ka dibna u habeeya oo u soo bandhig raadinta, iyagoo rajaynaya inay bixiyaan jawaab ku haboon raadiyaha ama baadhaha.

Habkan qiimaynta nuxurka iyadoo loo eegayo sida ay ula xidhiidho waydiinta su'aasha ah waxa loo yaqaan Ranking. Markasta oo ay sareeyso qiimaynta goobtaasi, waa inta ay u badantahay in uu ka jawaabo su'aashaasi ama weydiintaasi. Tani waa sababta goobta ugu horeysa ee ka muuqata bogga natiijooyinka raadinta inta badan ay u yihiin kuwa ugu fiican.

Maxaad u danaynaysaa sida ay u shaqeeyaan Search Engine (mashiinadaha raadinta)?

Ogaanshaha sida mashiinada raadinta u shaqeeyaan kaliya maaha inay kaa caawiso inaad si fiican wax uga raadiso internetka adoo dooranaya erayada saxda ah iyo qiimaynta natiijooyinka laguu soo bandhigay, laakiin sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartaa sida aad u dhisti lahayd boggaaga.

Halkan, waxaa laga maarmaan ah inaad ogaataa; si goobtaadu uga muuqato natiijooyinka raadinta, waa inay marka hore u muuqato mashiinada raadinta. Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee habka SEO: haddii goobtaada aan la arki karin, ma awoodi doontid inaad sinaba uga muuqato SERPs. Haddii boggaaga internetka aan loo dhisin qaab ay mashiinada shabakadu fahmi karaan oo ayna tilmaami karin, markaa joogitaankooda internetka iyo maqnaanshahooda waa isku mid.

Hubi in website-kaagu uu si wanaagsan u habeesna yahay, si mashiinada wax raadiya ay u helaan, una tilmaamaan una kala sarreesiiyaan. waana waxay ku saabsan tahay SEO.

Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada

Post a Comment

Maqaalkii Hore Maqaalka Xiga