Waa Maxay Dahabku? Ganacsiga Dahabku Faa'iido Ma Leeyahay? Siyfooyinka Dahabka

Ogow Waxyaabaha Ku Saabsan Dahabka Iyo Ka Ganacsigiisa

Waa Maxay Dahabku? Ganacsiga Dahabku Faa'iido Ma Leeyahay? Siyfooyinka Dahabka

Waa Maxay Dahabku?

Dahabku waa macdan qaali ah isla markaana ah naadir, waana curiye kiimiko ah oo leh astaanta Au. Midabkiisu waa huruud ama jaale jilicsan oo dhalaalaya, waxaana loo isticmaali jiray sidii halbeeg lacageed oo ay ka heli jireen shucuub, xadaarado iyo wadamo badan, quruxda dahabka ayaa u qalma in uu noqdo mid la doorbido.

 

 

Siyfooyinka Dahabka

Mar hadada xiisaynayso dahabka (Gold) waxaa laga maarmaan ah inaad wax ka taqaanid sifooyinka dahabka, waana kuwan:

·        Midabka dahabku waa huruud, dahabi ama jaale kaas oo dhalaalaya.

·        Dahabku waa macdan gudbiya korontada iyo kulaylka.

·        Dahabku waa macdan naadir ah oo qaali ah.

·        Dahabku maaha maaddo sun ah.

·        Dahabku wuxuu u adkaysataa illaa xad daxalka.

·        Dahabku waa mid aad u cufan isla mar ahaantaana jilicsan.

·        Dahabku waa uu jilicsan yahay waxaana lagu dari karaa walxaha kale sida nuxaasta.

 

 

Faaidooyinka Dahabka

Dahabku wuxuu leeyahay faa'iidooyin badan oo kala duwan oo ay tahay inaad ka ogaato, waxayna kala yihiin:

·        Jawharta: Qiyaastii 78% dahabka aduunka waxa loo isticmaalaa warshadaha jawharta, taas oo qayb muhiim ah ka ah dhaqanka iyo caadooyinka dadyow badan oo aduunka ku nool.

·        Maalgelinta: Dahabku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa mid ka mid ah hantida maalgashiga aasaasiga ah ee dhaqaalaha adduunka, waxaana loo isticmaali jiray lacag ahaan kumanaan sano ka hor intaan la samynin lacagaha waraaqaha ah.

·        Daawaynta: Nanoparticles dahab ah ayaa la sameeyay, kuwaas oo loo isticmaalay in lagu baaro HIV, waxaa u dheer in la sameeyay dawooyin dahab ah oo lagu daweeyo cudurada sida kansarka iyo rheumatoid arthritis-ka.

·        Deegaanka: halkaas oo nanoparticles dahab ahi loo isticmaalay si loo hagaajiyo waxqabadka unugyada cadceedda, sidoo kale waxaa loo isticmaalaa in xal loogu helo dhibaatada wasakhowga biyaha dhulka hoostiisa, halkaas oo dahabka loo isticmaalo in loo qaybiyo wasakhaha qaybahooda aasaasiga ah.

·        Tignoolajiyada: Nanotechnology-ga Dahabku waxa uu faa’iidooyin badan u keenay tignoolojiyadda soo bandhigida muuqaalka, sida shaashadaha la taaban karo, waxaana loo isticmaalay tignoolojiyadda casriga ah ee kaydinta xogta sida aaladaha xusuusta casriga ah, Shirkadaha qaar ayaa soo saaray qalab elektaroonik ah oo fidsan, kaas oo isticmaala fiilooyinka dahabka ah oo dhumucdiisu tahay dhawr boqol oo nanometer, iyo qalab elektaroonik ah oo la dhex gelin karo kuwaas oo la socda calaamadaha muhiimka ah ee kala duwan ee bukaanada kana digaya dhibaatooyinka caafimaad ee iman kara.

 

 

10-ka Goobood Ee Adduunka Ugu Badan Ee Laga Helo Dahabka

            1.      Morontao ee Uzbekistan,

           2.     South Deep Gold ee Koonfur Afrika.

           3.     Grasberg ee Indonesia,

           4.     Olympiada ee Russia,

           5.     Lihir ee Papua New Guinea,

           6.     Norte Aberto ee Chile,

           7.     Carlin Trend iyo Cortez ee Maraykanka,

           8.     Boddington ee Galbeedka Australia,

           9.     Maboneng ee Koonfur Afrika.

         10.    Pueblo Vigo ee Jamhuuriyadda Dominican.

 

 

10-Ka Dal Ee Heysta Keydka Ugu Badan Ee Dahabka Diyaarsan

        1.      Mareykanka (United States): oo heysta keystaa keyd dahab oo dhan 8,133.5 tan.

       2.     Jarmalka (Germany): oo heysta keyd dahab oo dhan 3,363.6 tan.

       3.     Talyaaniga (Italy): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,451.8 tan.

       4.     Faransiiska (France): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,436 tan.

       5.     Ruushka (Russia): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,299.2 tan.

       6.     Shiinaha (China): oo heysta keyd dahab oo dhan 1,948.3 tan.

       7.     Switzerland: oo heysta keyd dahab oo dhan 1,040 tan.

       8.     Japan: oo heysta keyd dahab oo dhan 765.2 tan.

       9.     Hindiya (India): oo heysta keyd dahab oo dhan 654.9 tan.

     10.    Netherlands: oo heysta keyd dahab oo dhan 612.5 tan.

 

 

10-Ka Dal Ee Soo Saara Dahabka Ugu Dabdan Adduunka

          1.      Shiinaha (China) - 383.2 tan

         2.     Ruushka (Russia)- 329.5 tan

         3.     Australia – 325.1 tan

         4.     Maraykanka (United States) - 200.2 Tan

         5.     Kanada (Canada) - 182.9 tan

         6.     Peru - 143.3 tan

         7.     Ghana - 142.4 Tan

         8.     Koonfur Afrika (South Africa) – 118.2 Tan

         9.     Mexico - 111.4 tan

       10.    Brazil – 106.9 tan

 

 

Sideen Ku Garanaa Dahabka Inuu Yahay Mid Run Ah?

Qaar ka mid ah siyaabaha degdega ah ee lagu ogaan karo in dahabku yahay mid run ah ama mid been abuur ah waana kuwan:

Tijaabada Magnetka Ama Birlabta

Tijaabada birlabku waa mid ka mid ah tijaabooyinka fudud ee lagu ogaanayo in dahabku asal yahay iyo in kale, laakin ma aha hab si buuxda loo dammaanad qaaday, si uu tijaabadan u sameeyo waa in qofku uu la yimaadaa magnet ama birlab xoog badan, halkaas oo magnetka ama birlabtu u jihaysan tahay dhanka dahabka; Haddii dahabku soo jiito magnetka ama birlabtu, tani waxay ka dhigan tahay in dahabku yahay mid been abuur ah, sababtoo ah dahabku waa mid ka mid ah macdanaha aan magnetka ahayn.

 

Tijaabada Nitric Acid

Dahabka waxaa lagu gartaa awood la'aanta aashitada in ay saameen ku yeelato, sidaas darteed waxaa lagula talinayaa in lagu hubiyo nitric acid; Haddii qayb ka mid ah ku dhex milmo, tani waxay caddayn kuugu filan tahay in aanay ahayn dahab asal ah, qofkuna waa inuu taxaddaraa marka uu tijaabadan samaynayo, sababtoo ah nitric acid waxay la milmaan wax kasta oo aan dahab ahayn.

 

Tijaabada Khalka

Qofku wuxuu isticmaali karaa khal cad si uu u nadiifiyo macdanaha. Waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagu ogaado dahabka runta ah iyo kan beenta ah, iyadoo tallaabooyinka soo socda la raaci karo:

·        Soo qaad weel quraarad ah ama dhalo ah Kuna shub khalka cad, ka taxaddar inaadan biyo ku darin.

·        Waxaad weelka khalka cad ku jiro ku riddaa qayb ka mid ah dahabka.

·        Waxaanad ku daysaa dahabka weelka ku jira muddo ilaa 15 daqiiqo.

·        Intaa ka dib Ka saar weelka uu dahabka ku jiro oo kuna maydh biyo.

Fiiro gaar ah: Dahabka dhabta ahi wuu dhalaali doonaa halka dahabka beenta ahi uu midabkiisu bedeli doono khalka.

 

La talinta qof xirfad u leh

Dahab-sameeyaha ama xirfadlaha ayaa go’aamin kara inuu dahabku run yahay iyo inuu been abuur yahay, maadaama habkani yahay habka ugu habboon ee la hubo gabi ahaanba, mararka qaarkoodna qofku wax lacag ah kama bixinayo si loo ogaado inuu dahabku run yahay iyo in kale.

 

 

Ganacsiga Dahabku Faa'iido Ma Leeyahay?

Haddii ganacsigu guud ahaan yahay xirfad ka dhigaya milkiilayaasha mid hantidooda leh, Ka warran ka ganacsiga shay naadir ah sida dahabka? Haa, dahabka Hadda yaala adduunka kuma filna, Dahabku waa curiye ama macdan naadir ah, Maadaama uu yahay mid gaar ah, waa sababta dumarka badankoodu u jacelyihiina, waana mid ka mid ah aasaaska guurka, maadaama uusan jirin ama ay yartahay guur la’aanteed dhicin xilligeenna. mar walbana qiimihiisu wuu xajisataa, waxaana berigii hore loo tixgalin jiray halbeeg lagu qiyaaso lacagta wadan gaar ah, markaa jawaabta su'aashani waa hubaal inay tahay HAA, haa ganacsiga dahabka waa mid faa'iido badan leh.

 

 

Ka Ganacsiga Dahabka Adigoo Bilaw Ah:

Qaar ka mid ah ganacsatada khubarada ku ah ganacsiga dahabka ayaa kula taliyay dadka bilowga ah in ay sameeyaan daraasad dhaqaale iyo mid suuqeed oo wanaagsan ka hor inta aysan bilaabin mashruucan. Waxayna si wada jir ah isugu raaceen in dhammaan dahabka hal meel lagu hayn.

Waxaana habboon, bilow ahaan, in marka hore la bilaabo ganacsiga dahabka la isticmaalay, kaas oo aad ka iibsan karto mid ka mid ah dukaamada elektiroonigga ah ee internetka, waana inaad taqaanaa lambarrada tilmaamaya karatka dahabka, taas oo aad sidoo kale ku ogaan karto haddii dahabku yahay mid asal ah ama uu yahay qalin kaliya oo dahab lagu rinjiyeeyay.

Waa inaad la tashataa ganacsade khibrad leh si aad u hesho khibrad iyo faham. Waxaad sidoo kale ku kaaftoomi kartaa dukaanka dahabka ah qaab iibiye ahaan si aad u barato dhammaan siraha ganacsigan, ka hor intaadan bilaabin mashruucaaga dahabka ah.

 

 

Goobta Ku Haboon Mashruuca Dukaanka Dahabka

Waxaa hubaal ah goobta uu ku yaal mashruucaagu in ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee guushiisa, si aad u dooratid goobta ku habboon dukaankaaga dahabka, waa in aad daraasad yar ku samaysaa suuqa, si aad u ogaato meelaha ay ku yaalaan dukaamadaha dahabka ah ee ku tartamaya. suuqa dhexdiisa.

Intaa Kadib Waxaad ogaatay in ay jirto meelo ay isugu yimaadaan tiro ka mid ah dukaamadan, iyo meelaha caanka ah ee lagu iibiyo dahabka, sababtoo ah markaad samaynayso dukaanka dahabiga ah, waa inaad doorataa meel ka mid ah suuqyada ganacsiga ee waaweyn ee magaaladaada, ama mid ka mid ah suuqyada caanka ah, ama mid ka mid ah xaafadaha caanka ah, Dukaankuna waa inuu ahaadaa meel ay ka arki karaan dadka meesha maraya.

Dhinaca goobta, dhammaan mulkiilayaasha dukaannada oo aan arrintan wax ka weydiinnay waxay isku raaceen in 15 mitir ay ku filan tahay in lagu bilaabo shaqada mashruuca dukaan dahab ah. Meeshan ayaa ku filan in lagu kaydiyo oo lagu soo bandhigo alaabta aad ku iibinayso dukaanka dahabka, laakiin tani waxay kuxirantahay raasamaal kaaga.

 

 

Ka Soo Saarida Dahabka Dhagaxyada Iyadoo La Raacayo Tillaabooyinka Ugu Muhiimsan

In gacanta lagu soo saaro dahabka dhagxaanta ku jira waa mid ka mid ah xirfadaha ay raadinayaan dadka madaxa banaan, sababtoo ah dahabku waa qaali oo si joogto ah ayuu u kordhayaa qiimahiisi, in gacanta lagu soo saaro dahabka dhagaxyada waa mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu kasbado lacago badan, maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa tallaabooyin aad samayn karto isla markaana xirfadaysan.

 

 

Sida Gacanta Loogu Soo Saaro Dahabka Dhagaxyada Ku Jira

Waxaa jira siyaabo badan oo dahabka gacanta loogu soo saari karo dhagaxyada, hababkaasina waa kuwo aan dhib ahayn, tillaabooyinkana waa kuwan:

Talaabada koowaad

Marxaladani waa habka burburinta dahabka: taas oo ay tahay in loo fuliyo si xirfadaysan, maadaama aan la isticmaali karin dubbayaal dhaqameed, sababtoo ah tani waxay sabab u noqon kartaa luminta qayb weyn oo dahab ah oo ayna kala firdhiso qaybo ka mid ah dahabka inta lagu jiro burburinta. Sababtan awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu tiirsanaado hab wax ku ool ah.

 

Talaabada Labaad

Marxaladani waa mid aad muhiim u ah, Dilaaca lagu sameeyay marxaladda koowaad ee burburinta ayaa la jajabiyaa dhowr jeer ilaa ay noqoto mid aad u jilicsan, oo ka yar mugga ciidda. Habkani waa habka lagu heli karo dahabka. aana ku xasuusiyo mid: tallaabadan awgeed, waa inaad gashataa galoofisyo.

 

Talaabada Saddexaad

Marxaladdani, waa inaad isticmaashaa meerkuriga, waana inuu dahabku ku milmo walaxdan, waxaadna ka heli kartaa Amalgam, oo ah nooc ka mid ah Alloy ka kooban walxaha isku dhafan, habkani wuxuu waxtar u leeyahay kala soocida dahabka iyo dhagaxyada. laakiin dhammaan tallaabooyinka waa inay raacaan taxadar. Tani waa in la tixgeliyo marka la samaynayo tallaabadan, sababtoo ah isticmaalka meerkurigu waa mid aad khatar u ah oo u keeni kara inay sumoobaan dad badan.

 

Talaabada Afaraad

Halkaa marka ay marayso, amalgamka la sameeyay ayaa laga soocaa meerkuriga.

 

Talaabada Shanaad

Marxaladani, waxaad awood u yeelanaysaa inaad hesho dahabka, inkastoo tallaabadani ay u egtahay mid la yaab leh, laakiin se meerkuriga waa la tijaabiyay oo way qaban kartaa shaqadaasi. Halkaa marka ay marayso dahabka waa inaad dhalaalisaa si meesha aad uga saarto meerkuriga, inataa ka dib waxaad helaysaa oodna haysataa dahabkii. Waxay u muuqataa mid la yaab leh, laakiin maaha.

 

 

Intee In Le'eg Ayay Qaadataa Habka Soo Saarista Dahabka?

Qoraagu waxa uu tilmaamay in hawsha baadhista dahabku aanay la xidhiidhin oo kaliya in dhulka laga soo saaro macdanta dahabka ah, balse ay u baahan tahay qorshe iyo daraasad badan ka hor inta aan la bilaabin baadhista.

Tusaale ahaan, habka sahaminta iyo horumarinta waa in la bilaabo si loo go'aamiyo inta kaydka dahabka ah ee jira iyo in si badbaado leh loo soo saari karo. Marxaladani waxay badanaa qaadataa inta u dhaxaysa 10 iyo 20 sano.

Cimriga macdan dahabka ah waxaa si toos ah u saameeya arrimo dibadda iyo gudaha ah, Sida qiimaha dahabka iyo kharashka hawlgalka ee habka sahaminta, arrimahan ayaa iyaguna saameynaya qorshe kasta oo lagu sahaminayo kaydadka qaarkood.

Haddii ay dhacdo in qiimaha dahabku uu sarreeyo, soo saarista cayriin tayadiisu hooseyso waxay noqon kartaa mid faa'iido leh marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, sababtoo ah korodhka kharashka soo saarista iyo sifaynta cayriinkani wuxuu noqon doonaa mid faa'iido leh. Si kastaba ha ahaatee, marka qiimaha dahabku si weyn hoos ugu dhaco, waxay u badan tahay in mudnaanta la siin doono soo saarista macdanta tayada sare leh.

Iyadoo ku xiran arrimo ay ka mid yihiin qiimaha dahabka iyo xajmiga kaydka, macdanta dahabku waxay badanaa qaadataa 10-30 sano, ka dib marka la joojiyo macdan qodista, taas oo qaadata inta u dhaxaysa 1 ilaa 5 sano.

Inta badan meelaha laga qodo dahabka ayaan si buuxda loo la soo bixin, badanaana qaar ayaa dib loo furaa marka qiimaha dahabka uu sare u kaco. Tani waa macdanta dahabka ee loo yaqaan Sakdrisi Kachagyani, taas oo noqotay goob la ilaaliyo oo qadiimiga ah.

Goobta Sakdrisi waa mid ka mid ah kuwa ugu da'da weyn ee loo yaqaan macdanta dahabka ee adduunka, sida ay qiyaaseen culimada qaar, qodista ayaa ka bilaabmay goobtan qarnigii saddexaad ama afaraad ee BC.

 

 

Post a Comment

Maqaalkii Hore Maqaalka Xiga