Sidee Facebook Lacag Looga Sameeyaa? Waana Maxay Shuruudaha Loo Baahan Yahay?
Haddii aad ka mid tahay dadka sameeya nuxur ama mawduucyo, gaar ahaan haduu yahay nuxurka mid muuqaal ah, marakaa waxaa suurtagal ah in aad lacag ka samayso Facebook-ga oo aad kordhiso ilaha dakhligaaga. Waxaanad raaci kartaa tallaabooyin fudud oo aad ku furan karto habka lacag bixinta ee muuqaalada Facebook.
Maqaalkan waxaynu si faahfaahsan uga hadli doonaa sida Facebooga lacag looga sameeyo, iyo waa maxay shuruudaha loo baahan yahay inaad dhamaystirto?
Waxay bilaabeen isticmaalayaasha facebooga in raadiyaan qaab ay lacag uga samayn lahaayeen Facebooga tan iyo markii la aasaasay 2004. laakiin dhab ahaantii fikradda ah lacag samaynta Facebooga waxay ahayd oo kaliya fikradda qarsoon sanado badan, taas oo la micno ah ma jirin siyaabo toos ah oo lacag looga helo Facebookga.
Inkasta oo Facebook-ga uu soo shaac baxay sannadkii 2004-tii, haddana fikradda ah lacag samaynta ee Facebooga waxa ay soo bilaabatay sannadkii 2014-kii, taas oo ahayd maalintii la aasaasay Shabakadda Audience Network, wixii xilligaas ka dambeeyayna wax walba way is badeleen, maadaama aad lacag ka heli karto Facebooga si toos ah.
Dhab ahaantii, hadda waxaa jira habab badan oo aad si toos ah lacag uga heli karto Facebooga marka laga soo tago siyaabo kale oo aan toos ahayn oo inta badan ku xiran awoodda suuqgeyneed ee Facebooga (sida in la helo booqdayaal).
Facebook waa bogga, mareegaha ama dagalk (Hadba Saad U Taqaanid) saddexaad ee ugu weyn internetka adduunka oo dhan, waana mid ka mid ah aaladaha xayeysiinta ugu awoodda badan ee ganacsigu aanu awoodin inuu ku seego. Dhab ahaantii, tani waxay samaysay fursado badan oo faa'iido leh. Laakin hadda waxaan diirada saari doonaa sida lacag looga sameeyo facebooga anagoo muuqaalada u furayna xayeysiisyada Facebook.
Qofka muuqaalada ku soo gudbiya barta facebooga
wuxuu awoodaa inuu ku biiro barnaamijka loo yaqaano (Ad Breaks) oo uu u furo
xaysiisyada muuqaalka, halkaas oo uu dhigayo xaysiisyada meelaha nasashada ee
muuqaalka ee uu ku soo gudbiyo bartiisa facebooga, Tani Waxay la mid tahy sida
YouTube lacag looga sameeyo amaba Xaysiisyada Google Adsense.
Sida Lacag Looga Sameeyo Ad Breaks Ee Facebook-Ga
Haddii aad bog ay dadweynuhu jecel yihiin ku leedahay Facebook-ga oo aad leedahay taageerayaal, waxaad si fudud ku biiri kartaa barnaamijka Ad Breaks, kaas ood dhigayso xayeysiisyada meelaha nasashada ee muuqaalka ka hor inta aan la bilaabin ama la shidin muuqaalka iyo marka lagu guda jiro daawashadiisa, Dabcan haddii muuqaaladu ay yihiin kuwo tayo sare leh markaa boggaagu wuxuu xaq u leeyahay in uu sameeyo faa'iido badan, si la mid ah Facebooga wuxuu ka faa'iidayaa Xayeysiintaas oo wuxuu qayb ka yahay faa'iidooyinkan, wuxuuna la wadaag milkiilayaasha muuqaalada qayb ka mid ah faa'iidooyinka.
Laakin sidaas uma sahlana, Waxaa jira shuruudo loo
baahan yahay si Facebook lacag looga sameeyo.
Waa Maxay Shuruudaha Loo Baahan Yahay Si Facebook Lacag Looga Sameeyo?
·
Waa in
aad leedahay bog ama Facebook Page.
·
Boggaagu
waa inuu haystaa ugu yaraan 10,000 oo qof.
·
Waa in
aad ka weyn tahay 18 jir.
·
Waa inaad
soo bandhigday ugu yaraan 5 muuqaal.
·
Waa In Boggaagu
uu helaa 600,000 daqiiqo oo daawasho ah 60-kii maalmood ee la soo dhaafay.
·
Haddii ay
tahay tirada daqiiqadaha muuqaalada hal daqiiqo ama ka badan, wax farqi ah uma
dhaxeeyo oo Lacag waad ka samayn kartaa.
·
Daawashada
ka timaada baahinta tooska (Live) ah iyo muuqaalada caadiga ah waa la xisaabinyaa.
·
Lama xisaabinayo
daawashada ka timaada xaysiisyada (yacnii sida adigoo muuqaal xasiinayo, isla
daawashada ka timaada xaysiintaas ayaan la xisaabinayn), Sidoo kale lama
xisaabinayo qofkii muuqaaladaada xaysiinta ah daawaday ama arkay kadibna sii guda
galay ama sii daawaday muuqaaladaadii kale ee u jiray boggaaga.
·
Boggaagu
waa inuu ku hadlaa luqadaha ay taageerto barnaamijka Ad Breaks.
·
Boggaagu
waa inuu raacaa siyaasadaha shirkadda Facebook ee barnaamijka Ad Breaks.
Tijaabi Boggaaga Facebook-Ga Ma U Qalmaa In Uu Lacag Sameeyo Mise U Ma Qalmo?
Haddii ay dhacdo in aad u qalanto inaad lacag ka
samayso Facebook oo boggaagu uu dabaqo shuruudaha lacag-samaynta ee Facebook, Ama
xitaa haddii aad rabto inaad ogaato in boggaagu u qalmo inuu lacag ka sameeyo Facebook
iyo in kale, waxaad ka hubin kartaa istuudiyaha wax-soo-saarka ee Facebook halkan si aad
ugu gudbiso boggaaga barnaamijka Ad Breaks.
Gabagabo
Maqaalkan waxa aan isku dayey in aan ku daboolo fikradda ah lacag ka samaynta Facebook-ga oo dhinacyo badan taabanaysa.
Laakiin run ahaantii, waxaa jira habab ama waddooyin-hoosaadyo badan oo lacag looga samayn karo facebook-ga, gaar ahaan dhinaca dadban, kuwaas oo loo sameeyay si waafaqsan hadafka suuqgeyneed ee aad rabto inaad Facebook ka gaarto.
Waxaan rajeynayaa in maqaalkani uu ku dhiiri
gelin doono dhalinyaro badan, si ay uga faa'iideystaan awooddan
baaxadda leh ee loo yaqaan Facebook.
Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale Ee La Xidhiidha Maqaalkan
Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada