Waa Maxay Dakhliga Soo Gala Youtube?

 Waa Maxay Dakhliga Soo Gala Youtube?

Waa Maxay Dakhliga Soo Gala Youtube?

Xaqiiqda dhabta ah ee dakhliga YouTube waa mid sahlan, waxayna ku xiran tahay milkiilayaasha kanaalka inay ku biiraan barnaamijka Partners, ka dibna ay raacaan hababka kala duwan ee dakhliga YouTube, intaa ka dib YouTube wuxuu bilaabi doonaa inuu u ururiyo faa'iidada iyaga oo ka jaraya khidmad gaar ah iyadoo loo eegayo habka faa'iidada.

Habka faa'iidada leh ee hal-abuurayaasha YouTube ay lacag ku sameeyaan waxa loo yaqaan Monetization, YouTube waxa ay samaysay nidaam lacag bixineed oo u gaar ah YouTube Partner Program (YPP) Tan Iyo Ilaa 2007.

 

Tirakoob Dhiirigalin Ah Oo Ku Saabsan Dakhliga Youtube

Waxaan maqaalkeena ku bilaabi doonaa tirooyin iyo tirokoobyo si cad u muujinaya aragtida ballaadhan ee madasha YouTube ay siiso qof kasta oo raba inuu ku bilaabo mashruuc faa'iido leh.

·    Celcelis ahaan tirada kanaalada YouTube ee dakhligoodu ka badan yahay $100,000 waxa ay kor u kacaysaa 40% sannad kasta.

·    Dakhliga madalsha YouTube inta lagu gudajiray sanadkii 2021 wuxuu gaaray ilaa $28.8 bilyan, oo uu ku kordhey qiimaheedii 49% sanadkii la soo dhaafay ee 2020, dabcan, waxay si togan uga turjumeysaa dakhliga ay sameeyaan hal-abuurayaasha YouTube-ka.

·    Hal-Abuurayaasha leh 500 ilaa 5,000 Subscribers ah waxay helaan celcelis ahaan $315 muuqaalkiiba. Halka Hal-Abuurayaasha leh in ka badan 500 kun Subscribers celcelis ahaan ay helaan $ 3,857 muuqaalkiiba.

·    YouTube 1,000kii Qof ee daawasho (Views) waxaa laga helaa celcelis ahaan $0.5, halka YouTube uu bixiyo celcelis ahaan $18 1,000kii qof ee daawada xayaysiisyada muuqaalada.

·    Shantii sano ee la soo dhaafay, YouTube waxa ay bixisay in ka badan $5 bilyan oo macaash saafi ah hal-abuurayaasha adduunka kuka la nool oo dhan.

Dakhliga muuqaalda YouTube-ka waxa uu u muuqdaa mid rajo leh, laakiin waxa ay tahay inaad ogaato ayaa ah inay jiraan arrimo badan oo saameeya ama ka qayb qaata faa'iidada YouTube, tani waxay ina keenaysaa mid ka mid ah su'aalaha ugu muhiimsan ee ay dad badani is waydiiyaan in si sax ah loo qiimeeyo dakhliga YouTube, taas oo ah: Maxay yihiin arrimaha saameeya dakhliga YouTube?

 

Qodobbada Saameeya Qiimaha Dakhliga Youtube

Hadii aan baadhno ama raadino faa’iidada Youtube-ka ee ay helaan kanaalada caanka ah, waxaan ogaan doonaa farqi muuqda oo u dhexeeya, inkastoo tirada Subscribers iyo Views ay isku mid yihiin, hadana waxaa sabab u ah jiritaanka halbeeg oo loo yaqaan faa'iidada kunkii aragti ama kunkii daawasho, halbeeg, ama heerka kun CPM ama Cost Per Mille; Kaas oo tixraacaya qaddarka dakhliga uu YouTube ku bixiyo kun kasta oo daawadayaasha xayeysiisyada kanaalkaaga.

Qiimahan kunka daawasho waxa uu ku kala duwan yahay kanaalda midba midka kale iyadoo loo eegayo dhawr arrimood, Waana Kuwan Qodobbada Saameeya Qiimaha Dakhligaaga:

 

1. Deegaan Ahaan

Way ku kala duwan yihiin dakhliga YouTube waddan ahaan, taas oo macnaheedu yahay in qiimaha aragtiyadu ay ku kala duwan yihiin sida; Kunka Daawasho ee Maraykanka ayaa ka qiimo badnaan lahaa haddii ay aslkooga ay ahaan lahaayeen Filibiin, tusaale ahaan. in badeecadaha Mareykanka ay soo saaraan faa'iido badan waxaa ugu wacan awoodda wax iibsigooga ayaa wanaagsan, sidaas darteed ganacsatada iyo shirkadaha, waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacag badan si ay ugu soo bandhigaan xayeysiiskooda dadka deggan Maraykanka, maadaama ay ogyihiin in dadka dagan halkaas ay u baahan yihiin badeecadan ama adeegan amaba si guud ay ogyihiin in uu wax iibsigooda wanaagsan yahay.

 

2. Dabeecadda Nuxurka Kanaalka

Nuxurka kanaalka ayaa ah waxa go'aamiya dabeecadda kooxda la beegsanayo ee ku raacsan ama subscribe kuu ah, iyo shirkadaha, madasha YouTube waxay siinayaan mudnaanta marka la eego qiimaha lacag bixinta 1,000 daawasho ee kanaalada ka hadlaya mawduucyada la xiriira alaabada ama adeegyada loo baahan yahay. suuqa dhexdiisa. Tusaale ahaan, kanaalada bartilmaameedsanaya nuxurka ganacsiga waxay leeyihiin CPM ka sarreeya dhiggooda dabiiciga ah.


3. Dabeecadda Dadka La Beegsanayo

Qodobkani waxaa ku jira da'da iyo qayb dadka ka mid ah, tusaale ahaan haddii kanaalkaagu bartilmaameedsanayo dadka ka weyn 40 waxay ku dhiirigelin doontaa shirkadaha inay bixiyaan lacag badan si ay u soo bandhigaan xayeysiiskooda qaybtan, Sidaas darteed, YouTube waxa ay ku siin doontaa in ka badan faa'iidada kun CPM.

Isla habkani, nuxurka loo jeediyo ganacsatada ama dadka hodanka ah ee bulshada waxay soo jiidan doontaa shirkado waaweyn, kuwaas oo doonaya inay kasbadaan kooxdan dhaqaale ahaan awood u leh inay ku arkaan xayeysiisyadooda muuqaalada kanaalkaaga.

 

4. Tirada Macaamiisha

Lahaanshaha tiro badan oo macaamiisha (Subscribers) ah waxay la macno tahay daawashooyin badan oo muuqaaladaada ah, tani waxay sidoo kale door ka ciyaartaa kordhinta qiimaha kunka daawasho (Views).

 

Sida Loo Hir-Galiyo Dakhliga Youtubeka

Goorma ayuu bilaabmaa dakhliga youtube? Dad badan ayaa aaminsan in markii ay furaan kanaalka YouTube oo ay helaan taageerayaal ay bilaabi karaan inay helaan faa'iidooyin badan, xaqiiqaduna waxay tahay in xitaa haddii aad leedahay 100,000 oo macaamiil (Subscribers) ah oo ku xiran kanaalkaaga iyo inaad haysato malaayiin daawasho ah, inaadan waxba heli doonin ilaa aad ka hir-galiso dakhliga YouTubeka oo aad buuxiso Shuruudaha dakhliga ee YouTube.

Si aad u hir-galiso Dakhliga YouTube oo aad u bilowdo kasbashada lacag dhab ah kanaalkaaga YouTube, waa inaad codsataa inaad ku biirto Barnaamijka Iskaashiga YouTube ama YPP. Dhab ahaantii waxa jira shuruudo fudud oo ay tahay in la buuxiyo si loo awoodo in la gudbiyo codsiga ku biirista, kuwaas oo ah:

·     Waa In Kanaalkaagu Uu Haystaa in ka badan 1,000 (Subscribers) macaamiil.

·    Waa inaad haysataa in ka badan 4,000 saacadood oo daawasho sax ah 12 bilood ee la soo dhaafay kanaalkaaga.

·    Waa Inaad Haysataa akoon shaqaynaya oo AdSense ah oo ku xidhan kanaalkaaga YouTube.

·    Waa inaad buuxisaa shuruudaha iyo siyaasadaha lacag-ururinta kanaalka YouTube. 

·    Waa Inuusan Kanaalkaagu helin digniino joogto ah oo ku saabsan ku xad-gudbida Xeerarka Bulshada.

·    Waa Inaad Joogtaa ama aad ku sugantahy waddan/gobol uu ogolyahay BarnaamijkaIskaashiga YouTube.

 

Waxaad ka heli kartaa tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan Barnaamijka Iskaashatada YouTube iyo shuruudaha ku biirista Boggarasmiga ah ee YouTube.


Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale Ee La Xidhiidha Maqaalkan

Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada

Post a Comment

Maqaalkii Hore Maqaalka Xiga