Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Marka
hore waanu idinku soo dhawaynayaa maqaalkan waxaanan idin leenahay Assalaamu
Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu, Dabcan waxaan sameeyay dagal aan ugu
magac daray IGU KAALAY si aan uga faaidyasano macluumaadyo iyo
adeegyo badan oo bilaash ah, ka hor intaanan samaynin dagalkan, waxaan ka
fekeray mawduucyada ay jecel yihiin dadka badanaa, gaar ahaan dhalinyarada,
Kadib waxaan naftayda ku idhi: "Waxaad Ku Fiican Tahay Soo Bandhigida
Macluumaadyo" Si ay fariintaaydu u gaadho dad badan loogana faaidaysto.
Aanig
oo rumaysan waajibaadkayaga ku aadan tayeynta macluumaadyada af-Soomaaliga
ah, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay bixinta macluumaad gaar ah oo ku
saabsan goobtan, kaas oo kooxda daabacadu ay ku qori doonaan warar iyo
maqaallo, ayna kuugu soo bandhigi doonaan tignoolajiyada cusub iyo wararka
aqoonta. iyadoo diiradda la saarayo waxa faa'iido u leh isticmaalaha Soomaaliga
Ah, gaar ahaan kuwa xiiseeya Tignoolajiyada iyo horumarkeeda.
Mareegahan
ayaa sidoo kale daabici doona maqaallo la xiriira tignoolajiyada, Ganacsiga,
Talooyinka, IWM Waxa intaa dheer IGU KAALAY waxay kugu
soo dhaweyneysaa inaad wax ka qorto maqaalo khusaynaya qofka soomaaliga ah,
markaa haddii aad rabto inaad wax ka qorto, ha ka waaban inaad la xiriirto
maamulka goobta halkan,
ama mid ka mid ah xisaabaadkayaga iyada oo loo marayo baraha bulshada.
Dagalkan
Ama Mareegahan waxaa maamula oona leh anigoo la igu magacaabo Maxamed.
Dhammaan
dadka soo booqda ee weydiisanaya xalinta mashaakilaadka ama la talinta, Waxaana
isku dayeenaa inaan ka falcelino, sidoo kale waxaan siinaa caawimaad intii
karaankeena ah.
Waxaan kaaga mahadcelineynaa inaad noogu soo booqatay boggayaga, Waxaanad Nootahay Marti.